Wadaagidda Khayraadka Dabiiciga ah Waayo-aragnimada Caalamiga ah iyo - - PowerPoint PPT Presentation
Wadaagidda Khayraadka Dabiiciga ah Waayo-aragnimada Caalamiga ah iyo - - PowerPoint PPT Presentation
Wadaagidda Khayraadka Dabiiciga ah Waayo-aragnimada Caalamiga ah iyo Jidka u Furan Soomaaliya Guddiga Maamulka Dhaqaalaha, Oktoobar 2017 (Financial Governance Committee (FGC)) Ku Saabsan Guddiga Maamulka Dhaqaalaha (FGC) Waxaa 2014 lagu
Ku Saabsan Guddiga Maamulka Dhaqaalaha (FGC)
Waxaa 2014 lagu aasaasay heshiis ay u dhanyahiin Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Beesha Caalamka Waxaa shir-gudoomiye ka ahaa Wasiirka Maaliiyadda; oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, wakiilo ka socda xaafiiska Madaxweynaha, xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Gudi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Xukuumadda, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud. Waxaa weheliya wafti ka socda caalamka ee Sanduuqa Lacagta Aduunka, Bangiga Aduunka iyo Deeq-bixiyayaal la shaqeeya Waxay bixisaa talo ku saabsan maamulka Bangiga Dhexe, soo kabashada hantida, ka soo iibsiga dowladeed ee dad-weynaha iyo heshiisyada bixinta, Dib-u-habaynta maareynta dhaqaalaha bulshada, iyo federalnimada maaliyadda Oktoobar 2017, iyadoo laga jawaabayo codsiga Wasiirka Kaluumaysiga, ergooyinka caalamka ee FGC waxay diyaariyeen qoraal talo bixin ah oo ku saabsan wadaagidda khayraadka dabiiciga ah
Sida wadamada kale u wadaagaan Dakhliga khayaarka dabiiciga ah
In ka badan 30 dal oo khayraadka dabiiciga ah qani ku ah ayaa leh xeerar gaar ah oo lagu maamulo sida loo wadaago dakhliga khayraadka dabiiciga ah Waxaa jira 2 nidaam oo khayraadka dabiiciga ah ay heerarka kala duwan ee dowladdu ugu wadaagaan. Dhaqan-galin ahaan, wadamo badan ayaa isku dara labadaan nidaam Waxay u badan tahay in habka qaybsiga ee ku salaysan Asalka Khayraadka aan inta badan loo isticmaalin dakhliga ka yimaada shiidaalka xeebaha iyo dakhliga kaluumaysiga, in kasta oo maalgalinta lagu sameeyo khayraadka kaluumaysiga sigaar ah loola beegsan karo beelaha kaluumaysta
$$$
Baahida bulshada, saboolnimada iwm Asalka Khayraadka deegaanka laga helay khayraadka
Dakhliyadee ayaa la wadaagaa?
Khayraadka dabiiciga ah waxuu Qaranka u soo xarayn karaa dakhliyo kala duwan, iyada oo ku xiran nidaamyada maaliyadeed ee lala gaaray soo-saarayaasha Heshiisyada wadaagidda dakhligu waa inay si cad u qeexaan khayraadyada dabiiciga ah ee la wadaagayo kuwa ay yahiin Dakhliyada sida faa’iidooyinka (royalties) iyo lacagaha shatiga ayaa ah kuwo inta badan la wadaago – waxay u badan tahay inay yahiin kuwo si toos ah loo soo aruurin karo, iyada oo ku xiran sharuudahooda, way sahlan tahay in la saadaalin karo
GUNOOYINKA BIXINTA KUNTURAADAHA, Lacagaha Shatiga, faa’iidOOYINKA (royalties), Canshuur-reebista dakhliga ee shirkadda, canshuurta faa'iidada raasumaalka, SAAMIGA faa'idada batroolka, Dakhliga IIBINTA batroolka ....
Faa’iidooyinka Nidaam Wadaagid oo Si Fiican loo Dajiyay
Aqoonsiga sheegashada deegaan ee khayraadka dabiiciga ah Uga kabasho dhibaatooyinka ka yimaada soo saaritaanka khayraadka Dhiirigalinta horumar dhaqaale oo joogto ah iyo kor u qaadidda heerka nololeed Uga kabasho ama khafiifin colaado ka dhasha khayraadka
Laakiin waayo-aragnimada caalamiga ah waxay muujinaysaa in dajinta wadaagidda khayraadka ay abuuri karto caqabado badan
Khaasatan markay: Si xun loo dajiyo Markii aysan marin wadatashi iyo heshiis wax ku ool ah
- dhexmara
dhamaan dhinacyada ay saamaynayso Si xun loo dhaqangaliyo Aanu isbadalayn lana qabsanayn xaaladaha markii loo baahan yahay
Khatar #1: Iska-horimaadyo dagaal oo ka dhasha sharuudaha heshiiska ama hirgalintooda (Ciraaq, Peru iyo Nayjeeriya) Khatar #2: Dakhliga soo xarooda oo isbad-badali kara taas oo khalkhal galin karta maaraynta dhaqaale iyo bixinta adeegyada (Peru, Nayjeeriya) Khatar #3: Dakhliga soo xarooda oo kabata intii la qaadan lahaa, taas oo keenta khasaarin iyo musuqmaasuq (Nayjeeriya, Barasiil, Kolombiya Peru) Khatar #4: Sinaan la’aanta deegaanada (Barasiil, Nayjeeriya) Khatar #5: Shaqaynta Qaranka oo aan si ku filan loogu maalgalin (Koonfurta Suudaan).
Maxay yahiin khataraha ugu weyn?
Dastuurka Soomaaliya iyo Khayraadka Dabiiciga ah
Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ee 2012 waxuu qeexayaa dhowr mabaadii muhiim ah oo ka hadlaysa lahaanshaha iyo wadaagidda khayraadka dabiiciga Mabaadii’dani waxay xoogga saarayaan qoondayn khayraad oo loo simanyahay
Qodobka 25 (2). Deegaanka “Qof waliba waxuu xaq u leeyahay inuu qayb ka helo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinayo in khayraad dabiiciga ah si xadgudub ah oo waxyeelo leh loo isticmaalo” Qodobka 44. Khayraadka Dabiiciga ah “Qoondaynta khayraadka dabiiciga ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka wadahadlaya oo ka heshiinaya, Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada iyadoo waafaqsan Dastuurkan” Qodobka 50. Mabaadii’da Federalnimada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaalia Heerarka kala duwan oo ismaamul, dhamaan xiriirada iyaga u dhaxeeya iyo fulinta shaqooyinkooda sharciyeed iyo awoodaha kale, waa inay raacaan mabaadii’da federaalnimada, kuwaas oo ah: (d) In qayb walba oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ay ka hesho Dowladda Federalka heerar isku mid ah ee adeed iyo heerar isku mid ah oo taakulayn; (e) Qaybin cadaalad ah ee khayraadka;
Wadahadalada Wadaagidda Khayraadka ilaa iyo Hadda
Intii ay jirtay dowladdii hore, Wasaaradda Batrooliyamka Federaalka iyo Wasaaradda Kaluumaysiga Federalka, labaduba waxay bilaabeen inay wadahadalo laba-dhinacle ah la yeesheen Dowladda Goboleedyada Labada dhinacba waxay ku boodeen falanqayn heshiisyo sida dakhliga loo wadaagi lahaa, iyada oo aan la tixraacin mabaadii’da iyo ujeedooyinka uu ku salaysan yahay wadaagidda dakhliga Taasi waxay keentay, in heshiisyadan qaybaha gaarka ah ku egi aysan yeelan isku-xirnaan, abuuridda qorshe sii jiraya, waxayna qatar galiyeen inay keenaan saamayn aan lagu talagalin – qaasatan marka la tixgaliyo inaan gobolada dhexdoodu sinaan, suurtagalinimada dakhliga oo isbadal u nugul iyo qoondaymo ka badan intii la qaadan karay
Soo jeedinta Wadaagidda Dakhliga Kaluumaysiga ee 2016 FGS 25% Puntland 15% Galmudug 15% South West 12% Jubaland 13% Hiraan/Middle Shabelle 12% Banadir 8% Soojeedinta Wadaagidda Dakhliga Badroolka ee (2016) Xeebta iyo Meel ka baxsan Xeebta ilaa 6 notical mayl 6 notical mayl xeebta ka durugsan FGS 30% 60% FMS (soo saaraya haday xeebta kutaal, ay dhawdahay haday xeebta ka durugsan tahay) 40% 20% FMS (aan la soo saarayn, ama anay dhawayn haday xeebta ka durugsan tahay) 30% 20% Soojeedinta Wadaagidda Dakhliga Tuunaha ee 2017 FGS 40% Ministry of Fisheries 10% Puntland 10% Galmudug 10% South West 10% Jubaland 10% Hiraan/Middle Shabelle 10%